Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sarkaal ka tirsan Sirdoonka Yuhuuda oo ku dhintay duqeyn ay fulisay dayuurad Drone ah

Taliyihii Qaybta Khaarajinta u qaabilsanaa Hay’ada Sirdoonka  Israa’iil ee Mossad ayaa lagu lagu diley weerar diyaarado Drone ah ka fuliyeen magaalada Erbil ee taala woqooyiga dalka Ciraaq.

Saraakiil reer Galbeed ah ayaa WashintonPost u sheegtay in weerarkan lala beegsaday saddex baabuur oo marayey wado weyn oo dhex marta magaalada Erbil, baabuurtaas ayaa siday basaasiin yuhuud ah oo si gaar ah u tababarnaa, kuwaasoo ahaa bartilmaameedka ugu wayn ee diyaaraddaha Drone-ku beegsadeen.

Sida laga soo xigtey Intel Sky, oo ku takhasustay falanqaynta khataraha caalamiga ah, dabagalka duullimaadyada caalamiga ah iyo wararka xasaradaha la xiriira, ayaa sheegtay in sarkaalka khaarajinta Mossad ugu qaybsanaa lagu diley weerarka iyadoo weerarka ay fuliyeen Diyaarado bilaa duuliye ah.

Dawladda yuhuudu weli kama hadlin arintan,mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda duqayntan lagu dilay Taliyihii Qaybta Khaarajinta u qaabilsanaa Hay’ada Sirdoonka  Israa’iil ee Mossad .

 

Related posts

Guddiga Madaxa banaan ee wax ka bedelka dastuurka oo su’aalo ka jawaabay (Sawirro)

Caydiid Ali

Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay Maqaayad kutaalla Muqdisho

Cabdi Cade

Qaar kamid ah Wadooyinka Muqdisho oo saakay xiran iyo amaanka oo la adkeeyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---