Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Akhriso: Dacwad ka dhan ah Mahad Cawad oo loo gudbiyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah Xildhibaanada golaha Shacabka Soomaaliya ayaa dacwad ka dhan ah Gudoomiye kuxigeenka labaad ee golaha Shacabka Mahad Cabdalle Cawad u gudbiyay Gudoomiyaha golaha Shacabka.

Mahad Salaad ayaa dacwadiisa ku sheegay in Gudoomiye kuxigeenka labaad ee golaha Shacabka uu si ula kac ah u baal maray kulanka Xildhibaanada golaha Shacabka ku yeesheen 24-kii bishan xarunta golaha Shacabka.

Waxa uu Xildhibaan Mahad Salaad ka codsaday Gudoomiyaha golaha Shacabka in talaabo sharci ah laga qaado Gudoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka , sidoo kale gudoonka raali galin ka bixiyaan Habdhaqankii Mahad Cabadlle Cawad.

Halkan ka Akhriso Dacwada Mahad Salaad ka gudbiyay Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

DEG DEG: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo Codsi Muhiim ah u diray Shacabka Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Maxkamada ciidamada DF oo xukun adag ku riday xubno ka tirsan Al-Shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---