Dal Yurub kuyaala oo laga dalbaday in uu dib usoo celiyo farshaxanadii Afrika

Qaar kamid ah Wadamada Yurub ee horey u gumeestay Wadamo Qaarada Afrika kuyaala ayaa qaatay farshaxano iyo waxyaabo kale oo taariikhi ah ay lahaayeen Wadamada Afrika ay gumeesteen.

Madxafyo kuyaala Qaarada Yurub waxaa yaala farshaxano iyo waxyaabno kale oo laga qaatay Qaarada Afrika, waxaana hada socda qorshayaal la doonayo in Wadamada Yurub dib usoo celiyaan farshaxanadii ay ka qaateen Afrika.

Dowlada Faransiiska oo horey u gumeesatay qaar kamid ah Wadamada Qaarada Afrika ayaa hada laga dalbaday in ay dib usoo celiso farshaxanadii ay ka qaadatay dalka Senegaal iyo guud ahaa Afrika.

Madaxweynaha dalka Senegal, Mcky sall waxaa uu sheegay inay doonayaan in dhamaan farshaxanada laga qaaday dalkiisa iyo dalalka kale ee Afrika ee iminka yaala madxafka Fransiiska dib loogu soo celiyo qaaradda Afrika.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Senegal in arintan uu kala hadlay dhigiisa dalka Faransiiska Emmanuel Marcon, waxa uuna xusay in uu rajeenayo in Faransiiska soo celiyo farshaxano badan oo ka qaatay Qaarada Afrika xiligii gumeesiga.

Khuburo ayaa dhawaan u gudbisay Madaxweynaha dalka Faransiiska qaabka loo celin karo farshaxano gaaraya tobanaanka kun ee yaala dalka Faransiiska, kuwaa oo intooda badan la qaatay xiligii gumeysiga.

Wadamada Yurub ayaa xiligii gumeesiga wadamada Afrika ka qaatay farshaxano iyo waxyaabo kale oo taariikhi ah, waxaana Wadamada Yurub qaarkood ogolaadeen in ay Afrika dib ugu celiyaan farshaxanada iyo waxyaabo kale oo muhiim u ah Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -