Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Garoonka Aadan Cadde oo lagu soo dhaweeyay Maxaabiis laga soo daayay dalka Uganda

Waxaa maanta garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga soo dajiyay maxaabiis Soomaaliyeed oo dhowr sano ku xirnaa xabsi kuyaala Dalka Uganda .

Maxaabiista Garoonka Aadan Cadde lagu soo dhaweeyay oo gaarayay lix ruux ayaa dhawaan laga soo daayay dalka Uganda xabsi kuyaala ay ku xirnaayeen tan iyo sanadkii 2014-kii.

Garoonka Aadan Cadde Maxaabiistan waxaa kusoo dhaweeyay Wasiir katirsan Xukuumada Soomaaliya, Xildhibaano iyo sidoo kale Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya Axmed Cali Daahir.

Dowlada Soomaaliya ayaa gacan ka geesatay in maxaabiis  Soomaaliyeed oo ku xirnaa wadamo kuyaala caalamka, waxaana maxaabiista dalka lagu soo celiyay aad ugu mahad celiyeen dowlada Federaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda oo Shaacisay in Al Shabaab gaaray jabkii ugu xumaa ayna ku jiraan xaalad adag

Cabdi Cade

Dagaal xooggan oo saakay ka socda Ceyrigaabo iyo Khaatumo oo guul ka….

Cabdi Cade

War deg deg ah: Rasaas culus iyo qaraxyo waa weyn oo ka dhacaya agagaarka Vila Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---