Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo Codsi Muhiim ah u diray Shacabka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey Sarreeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil-xigeennada, Aliflayda, Dableyda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska iyo qoysaskooda 77-guurada kasoo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
 
Madaxweynaha ayaa adkeeyey in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay naftooda u huraan xaqiijinta amniga iyo xasilloonida dalka si Muwaadiniinta Soomaaliyeed ay nabad ugu noolaadaan dalkooda.
 
“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waa Astaan qaran iyo midnimo, waxa ayna u taagan yihiin xaqiijinta amniga dalka si dadkeennu ay nabad iyo xasillooni ugu noolaadaan, sidaas awgeed waxaan shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa in ay ku garab istaagan gudashada waajibaadkooda qaran”
 
Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay qorsheyaasha dowladdu ay ku xoojinayso ciidamada, kor u qaadidda tababarradooda, joogteynta iyo kordhinta mushaarkooda, iyada oo la hirgeliyey hannaan askari kasta uu si toos ah ugu helaayo xuquuqdiisa.
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey Saraakiisha iyo guud ahaan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed doorkooda ku aaddan ka miro-dhalinta qorsheyaasha muga weyn ee dib-u-dhiska iyo xaqiijinta amniga dalka.

                                                                                                                              Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Rabshado ka bilowday magaalada Diri-dhabe iyo Ciidamo badan oo magaalada soo galay

Cabdi Cade

Soomaaligii ugu horeeyey oo ka mid noqday Xildhibaanada Baarlamanka Finland

Caydiid Ali

Danjiraha cusub ee Mareykanka oo Muqdisho soo gaaray & Wasir Fiqi oo..(Sawirro)

Caydiid Ali