Allbanaadir.com
NEWS

Diyaarad ay Pakistan sameysay oo ceeb usoo jiiday nidaamka Difaaca S-400

Diyaaradaha dagaalka dalka Pakistan , ayaa weeraro culus oo dhinaca cirka ah ka fuliyay bartilmaameedyo kuyaalla dalka India, waxa ayna diyaaradaha si gaar ah u duqeeyeen saldhigyo milatari oo laga soo abaabulay weerarkii habeenno kahor India ku qaaday Pakistan.

War-saxaafadeed kasoo baxay milatariga Pakistan, ayaa lagu shaaciyay in diyaaradda JF-17 Thunder  lagu burburiyay mid ka mid ah nidaamyada difaaci adduunka ugu wanaagsan ee S-400 oo Ruushka uu soo saaro, waxaana diyaaradan layaabka leh si wadajir ah u sameeyay Pakistan iyo  Shiinaha.

Nidaamka difaaca Ruushka soo saaro ee S-400 , waxa uu kamid yahya kuwa ugu wannaagsan ee xilligan , hasa ahaatee waxaa hadda ceeb lasoo daristay nidaamkan difaaca oo India ku guukldareestay in ay uga hortgato weerarka Pakistan.

Sida ay baahiyeen wrabaahinta caalamka qaarkood nidaamka difaaca ee S-400, ayaa Indiaa ugu fadhiya lacag gaareysa 1.6 bilyan oo dollar , waana kan kaliya ee ugu sarreeya nidaamka difaaca ee ay heysato India iyo xataa Ruushka .

Afhayeen u hadlay ciidamada India , ayaa sheegay in aysan jirin warka Pakistan ay ku sheegatay burburinta nidaamka difaac ee S-400 ,hasa ahaatee milatariga dalka Pakistan ayaa dhankooda shaaciyay  in ay gacanta ku hayaan caddeymo ku fulin burburinta nidaamka S-400 ee India adeegsaneysay.

Howlgalka nidaamka difaaca S-400  lagu burburiyay ayaa ka dhacay saldhig ku yaalla magaalada Jalandhar, gobolka Punjab ee Hindiya,, waxaana warkan haddii ay Pakistan xaqiijiso ceeb iyo fadeexad la kulmi doona nidaamkan difaac ee Ruushka sameeyay.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Daawo Sawirada: Munaasabad Qurux badan oo loo qabtay in ka badan 500-Arday oo ka qalin jabisay Jaamacada SIU

admin

Wasiir ka tirsanaa Hirshabelle oo xilka laga qaaday & Mas’uul kale oo lagu bedelay (Akhriso)

Caydiid Ali

Magacyada 12 Musharax oo isku soo taagay doorasho beri ka dhaceysa Jowhar

Caydiid Ali
Taboola Ads ---