Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo war kasoo saaray roobabkii ka da’ay Muqdisho

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa warbixin kasoo saaray xaaladda degdeg ah ee ka dhalatay roobabka da’ay Caasimadda.

Gudoomiye Amiir ayaa yiri “Roobabka mahiigaanka ah ee Xamar iyo agagaarkeeda ka da’ay waxaan xaaladaha ka dhashay ka qaadnay tallaabo kasta oo suuragal ah, Waxaana goordhow soo saari doonnaa warbixin la xariirta saameynta Roobka, sidoo kale gargaar deg deg ayaan gaarsiin doonaa dadkii ku waxyeellobay Roobka iyo daadadka ka dhashay”.

Sidoo kale Duqa Magaalada Muqdisho ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan wali howl adag ka wadnaa maareynta saameynta roobka, anaga oo diyaarinay matoorro tuura biyaha iyo booyado ka dhuuqa meelaha ay biyuhu fadhiisteen”.

Ugu dambeyn guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ka hadlay burburka soo gaaray qaar kamid waddooyinka Magaalada ayaa yiri “waxaa degdeg loo dhisi doonaa jidadka ay daadadka Roobka burburiyeen, waxaana fareynaa shirkadihii waddooyinkaasi horey u dhisay iney markale dib u dhisaan Laamiyo ka taya wanaagsan kuwii burburay”.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daraasad cusub oo xal waara u heshay bidaarta dhibka ku heysa ragga iyo dumarka !

Cabdi Cade

Digniin adag oo laga bixiyey dhulgarir culus oo ku soo wajahan Magaalada ….

Caydiid Ali

Al Shabaab oo maalmo u qabatay Odayaashii iyo Ergadii soo doortay Baarlamaanka Somalia

Cabdi Cade
Taboola Ads ---