Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Shariif oo shaaciyay in India jawaab ku habboon siiyeen

Ra’isul Wasaaraha dalka Pakistan Shehbaz Sharif , ayaa war uu soo saaray kaga hadlay weerarka jawaab celinta ee milatariga Pakistan ku qaadeen dalka India, xilli xiisada labada dal u dhaxeysa ay sii gaareyso meeshii ugu xumeed.

Shehbaz Shariif, ayaa sheegay in ciidankooda jawaab ku habboon siiyeen India, waxa uuna xusay  in ciidankooda marnaba aysan qaadan doonin gardarro ayna diyaar u yihiin in ay qaadaan tallaabo kasta ay ku difaacayaan sharafta dalkooda iyo dadkooda.

“Maanta, waxaan Hindiya siinnay jawaab ku habboon oo aan ka aargudannay dhiigga dad aan waxba galabsan ay horey u daadiyeen, marnaba ma ogolaan doono gardarro iyo xadgudub ” ayuu ku yiri hadal uu soo saaray Ra’siaul Wasaaraha Pakistan.

Milatariga dalka Pakistan, ayaa saakay weerar xooggan oo aargoosi ah ku qaaday dalka India, waxaana dagaalka labada dal u dhaxeeya laga cabsi qabaa in uu faraha kasii baxo ayna isku adeegsadaan hubka culus ay labada dal ku hubeysan yihiin.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

C/risaaq Caato oo Mar kale loo magacaabay Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska RW

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Baladweyne (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Daawo Video:-RW Khayre oo dhagax dhigay dhismaha Warshad cusub

Caydiid Ali
Taboola Ads ---