Allbanaadir.com
NEWS

Nabadoono caan ah iyo saraakiil lagu dilay weerarkii Baladweyne

Waxaa saakay weerar isugu jiray ismiidaamin iyo mid toos ah lagu qaaday, guri weyn oo kuyaalla xaafada Howlwadaag ee magaalada Baladweyne , waxaana weerarkan ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Guriga weerarka lagu qaaday oo dhismo dabaq ahaa waxaa saacado badan ka dhax dagaallamayay rag hubeysan oo katirsanaa kooxda Al Shabaab, kuwaa oo tooganayay dadkii ku sugnaa dhismaha.

Sida xogta ku helnay dhismaha la weeraray waxaa degnaa odayaal dhaqmeed kasoo jeeday beesha Gaaljecel iyo saraakiil, kuwaa oo waday abaabulka howlgallo ka dhan ah kooxda Al Shabaab ee ku sugan galbeedka gobolka Hiiraan.

Weerarka waxaa lagu dilay dad ku dhaw 10 qof ay ku jiraan odayaal caan ah iyo saraakiil, waxaana dadka weerarka ku dhintay ku jira Nabadoon Aadan Maxamed Indhabuur, Nabadoon Aadan Raaxo Jecel , Nabadoon Ileynaa iyo xubno kale.

Maamulka gobolka Hiiraan iyo dowladda Soomaaliya faahfaahin badan kama aysan bixin weerarkan xooggan ee saakay Al Shabaab ku qaadeen magaalada Baladweyne, walina si rasmi ah looma xaqiijin khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee weerarka ka dhashay.

Screenshot

Related posts

Qoorqoor oo kulamo kala duwan la yeeshay James Swan iyo Mrs. Heidi Johansen (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlado shaaciyey xiliga ay ku beegan tahay Maalinta Koowaad ee Ciiddul-Adxa

Caydiid Ali

Guddiga Wadajirka ee dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo Muqdisho ku kulmaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---