Allbanaadir.com
NEWS

Guddiga Wadajirka ee dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo Muqdisho ku kulmaya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa la kulmay dhigiisa dalka Kenya, waxa ayna isla garteen arrimo badan ay ugu horeyso xoojinta xiriirka labada dal.

Labada Madaxweyne ayaana wadahadal dheer kaddib ku heshiiyay in la xoojiyo xiriirkii ka dhaxeeyay labada wadan, sidoo kale dib loo soo celiyo ganacsida labada dal sida in dib loo fasaxo jaadka Kenya usoo dhoofiso Soomaaliya loona dhoofiyo Kenya kaluun.

Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga (JCC) Soomaaliya iyo Kenya oo loogu tala galay ka shaqeynta iyo ka miro dhalinta qodobada labada Madaxweyne ku heshiiyeen ayaa lagu wadaa in bisha soo socoto ee Agoosto ku kulmaan Muqdisho.

Xubnaha guddigan ee ku kulmaya Muqdisho ayaa hooshoodu tahay qaabeynta  iskaashiga hawlaha amniga, horumarinta beeraha, ganacsiga, caafimaadka, waxbarashada, tababarada iyo xal u helista dhibaatooyinka isbeddelka cimilada.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa xiriirkoodu xumaa saddexdii sanno ee lasoo dhaafay, waxaana Madaxweyne Xasan Sheekh mar kale ka shaqeenayaa sidii loo haggaahin lahaa xiriirka Soomaaliya kala dhaxeeya qaar kamid ah waddamada caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Iska hor-imaad xalay ka dhacay magaalada Garawe iyo Booliiska oo ka hadlay

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo digniin soo saartay & cabsi ka jirta gobolada dalka qaarkood (Akhriso)

Caydiid Ali

Maxkamada Ciidamada oo xukun adag ku riday labo Eedeysane (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---