Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlado shaaciyey xiliga ay ku beegan tahay Maalinta Koowaad ee Ciiddul-Adxa

Iyadoo loo diyaar garoobayo bilashada bisha barakaysan ee Dulhaj oo caawa la filayo ayaa waxaa jira inay dhowr Dowladood si rasmi ah ugu dhawaaqay Maalinta Koowaad ee Ciiddul-Adxa

Wasaaraha Arrimaha Diinta iyo Awqaafta ee Dowladaha Malaysia, Indonesia iyo Brunei ayaa ku dhawaaqay inay bisha Dulxaj ee sanadkan 1443-ka ee Hijriyah bilan doonto Maalinta Jimcaha ee soo socota, kuna beegan bisha July 1-da ee Taariikhda Milaadiyada ee 2022-ka.

Bayaanka ay Dowladahaasi soo kala saareen waxaa kaloo lagu xusay in Maalinta Koowaad ee Ciiddul-Adxa loo dabaaldegi doono bisha July 10-da.

Dhinaca kale, Xarumaha Cilmi Faliga ee Xiddigaha ayaa shaaciyey inay bisha Dulxaj bilan doonto Maalinta berrito oo Khamiis ah, kuna beegan 30-ka bisha June ee sanadka 2022-ka.

Warbixinta waxaa kaloo lagu xusay in la joogsan doono  Banka Carafo Maalinta Jimcaha ee ku beegnaan doonta bisha July 8-da ee Taariikhda Milaadiga, Maalinta Koowaad ee Ciiddul-Adxa waxaa loo dabasl-degi doonaa bisha July 9-da.

 

Related posts

Wasiirka Maaliyadda Somalia oo khudbad xasaasi ah ka jeediyay shir caalami ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowladaha Soomaaliya & Kenya oo kala saxiixday heshiisyo Qarsoodi ah (Xog Muhiim ah)

admin

Israel oo qiratay booqashadii Raisul wasaare Netanyahu ku tagay Sacuudiga

Caydiid Ali
Taboola Ads ---