Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qoorqoor oo kulamo kala duwan la yeeshay James Swan iyo Mrs. Heidi Johansen (Sawirro)

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan.

Qoorqoor iyo Ergeyga ayaa ka wada hadlay arrimaha amniga iyo horumarinta Galmudug gaar ahaanna, mashaariicda horumarineed ee hay’adaha qaramada midoobay ay ka wadaan Galmudug.

Sidoo kale, Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa Muqdisho kula kulmay Ergayga Dowladda Norway u qaabilsan Soomaaliya Heidi Johansen.

Madaxweynaha iyo Ergeyga ayaa ka wada hadlay howlaha horumarinta Galmudug iyo Mashaariicda kale ee Dowladda Norway ay ka wado Galmudug iyo sidii loo ballaarin lahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=hwCLEvQFvMI

Related posts

Ra’isul Wasaare Abiy iyo Madaxweyne Uhuru oo ku kulmay Mooyaale (Sawirro)

Cabdi Cade

Khubaro u dhashay Saudia Arabia oo saadaal ka bixiyey Maalinta ay noqoneyso Ciidul fitriga

Caydiid Ali

Qoor Qoor iyo Wasiirka Difaaca oo gaaray Degmo Abaabul dagaal ka socdo (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---