Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Guudlaawe oo ka hadlay weerarkii ka dhacay Baladweyne

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa ugu horeyn cambaareeyay weerarka fuleynimada ahaa ay geeysteen Khawaarij ku dhiiran weysay furimaha dagaalka inay yimaadaan taa beddelkeedana doortay inay xasuuqaan shacab sooman.

Howgalka dabar-goynta Khawaarijta oo ay iska kaashanayaan Daraawiishta Hirshabeelle, Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xaq-u-dirirka deegaanka ayaa guud ahaan ka socdo Hirshabeelle waxana uu si weyn u naafeeyay damaca argagaxisada ee ahaa inay gumaadaan dadka shacabka ah.

“Allaha u naxariisto Nabaddoon Aadan Cali Cabdulle, Nabaddoon Maxamed Cismaan Faarax, Gaashaanle Aadan Maxamuud Calasoow iyo shacabkii ku shahiiday weerarkii bahalnimo ee argagixisada, Allaha bogsiiyo intii ku dhaawacantay. Aan u midoowno dhammeystirka Khawaarijta arxanka daran.”

Gabogabadii, Madaxweynaha ayaa ku ammaanay ciidamada amniga Dowladda Hirshabeelle sida ay u toogteen maleeshiyaadka khawaarijta ee gudaha u galay Hotel Qaahira ee magaalada Beledweyne.

 

Related posts

Haweeney Ra’isul Wasaare ah oo kasoo laabatay Fasaxa Umusha (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka UK oo dooratay Guddoomiye cusub

Caydiid Ali

Ciidanka Booliiska Somaliland oo Hrageysa ku qabtay Haween moobeelo soo dhacay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---