Iran oo si adag ugu jawaabtay Waddamada Reer Galbeedka ee eedeynta usoo jeediyay

Waddamada reer Galbeedka qaar badan oo kamid ah ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii dhinaca cirka ah ay habeen hore ciidamada ilaalada Kacaanka dalka Iran ku qaadeen Israa’iil.

Reer Galbeedka ayaana taageero weyn u muujiyay israa’iil oo markii hore xiisada abuurtay weerarna ku qaaday qunsuliyadda Iran ku leedahay caasimadad Syria, waxa ayna reer Galbeed dhaleeceyn xooggan u jeedinayeen Iran.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiran Nasser Kanani, ayaana u sheegay waddamada Reer Galbeedka inta ay Iran usoo jeedin lahaayeen eedeymo aan jirin in marka hore naftooda eedaan.

Nasser Kanani ayaa ugu baaqay wadamada reer galbeedka in ay qadariyaan xakamaynta Iran ee ku wajahan Israa’iil, isaga oo sidoo kale xasuusiyaan in ay ka hadlaan oo ka jawaabaan dambiyada dagaal ee Israa’iil ka gashay Gaza.

“Intii ay eedeymo u soo jeedin lahaayeen Iran, Reer Galbeedku waa in ay naftooda eedeeyaan oo ay ka jawaabaan dambiyada dagaal ee ay Israa’iil ka geysatay dagaalka Qasa.ā€ayuu yir afhayeenkaĀ .

Afhayeenka ayaana sheegay in Iran ay is xakameysay kaddib weerarkii lagu qaaday qunsuliyadda ay ku leeyihiin dalka Syria, waxa uuna ugu baaqay reer Galbeedka in ay qadariyaan xaquuqda ay Iran leedahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -