Maamulka Jigjiga oo bilaabay in ay gowracaan xoolaha magaalada lagu soo daayo

Maamulka ka jira magaalada Jigjiga ee caasimada dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa bilaabay in ay gowracaan xoolaha gaar ahaan ariga magaalada lagu soo dhax daayo kuwaa mararka qaar daaqa dhirta hareeraha wadooyinka lagu beeray.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa la sheegay in maamulka magaalada Jigjiga gowraceen dhoor neef oo lagu soo dhax daayay magaalada kuwaa oo daaqay dhir lagu beeray hareeraha laamiyada dhax mara magaalada Jigjiga.

Duqa magaalada Jigjiga Cabdifataax Ibraahim Kacaan, ayaa warbaahinta u sheegay xoolaha ay gowraceen in ay yihiin kuwa laga soo dhax daayay magaalada balse aysan aheyn kuwa iyagu ugu tageen xeryihii ay ku xareesnaayeen.

“Waa xoolo magaalada lagu soo dhex daaayey, wax xerooyinka xaafadaha ku yaallay aannu kala soo kaxaynay ma aha, oo inta dawladdu ay weerartay qof shakhsi ah xerada xoolihii ugu jiray kamaannu soo saarin, laakiin waa xoolo lagu soo deynayo magaalada, sidii magaaladu dooxooyinkii laa daaqsin geynayey ay tahay” ayuu yiri Duqa Jigjiga.

Waxa uu sheegay duqa magaalada Jigjiga in xoolaha magaalada lagu soo dhaxdaayo ay dhibaato ku hayaan bulshada , waxa uuna xusay in ay sababaan shilal sidoo kale ay daaqaan dhirta qaaliga ah ee laamiga hareerihiisa lagu beeray.

“Bulshada dhib bay ku tahay, shilalka ay had iyo jeer sababayaan, hadday xagga bilicda tahay oo ay had iyo jeer ku xaarayaan waddooyinka iyo haddii ay tahay dhirtii qaaliga ahayd ee la soo iibiyey oo ay cunayaaan, dhirtaas oo magaalada qurxinteeda loogu talagalay” ayuu sii raaciyey duqa magaalada Jigjiga.

Hadal heyn badan ayaa ka dhalatay xoolaha ay gowraceen maamulka magaalada Jigjiga , waxaana dadka qaar ku dhaliileen maamulka talaabooyinka ay qaadeen halka kuwa kalana sheegeen in ciqaab u tahay dadka xoolaha magaalada kusoo dhax daaya

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -