Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay Qarax Xoogan oo ka dhacay magaalada Muqdisho (Sawirro)

Qarax xoogan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa saakay ka dhacay agagaarka Dugsi sare Banaadir ee magaalada Muqdisho ,waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida aan wararka ku helay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa la dhigay afaafka hore ee Dugsiga Macaasiir oo kuyaala kasoo horjeeda Dugsi sare ee Banaadir , waxaana gaarigaasi lala beegsaday kolonyo katirsan ciidamada AMISOM.

Qaraxan waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad ka agdhawaa halka uu qaraxu ka dhacay, waxaana goobta ka qaaday dadka waxyeelada kasoo gaartay gaadiidka gurmadka deg dega.

Iskuulka Macaasiir ayaa qaraxan waxaa kasoo gaaray bur bur xoogan oo gaaray dhismaha iskuulka iyo sidoo kale gaadiidka iskuulkaasi, waxaana xusid mudan in maanta uu iskuulka aysan arday badan joogin maadaam ay khamiis aheyd.

Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaa baaritaano kuwada qaraxan xoogan ee saakay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo khasaaraha ka dhashay , waxaana la filayaa in baaris kadib in war laga soo saaro qaraxan iyo khasaaraha ka dhashay.

Related posts

Madaxweynaha Somaliland oo Dhabmaal u diray dowlada iyo Shacabka Mareykanka

Cabdi Cade

Biden oo weji gabax kala kulmay telefan uu ka wacay labada dhaxal suge ee Sacuudiga & UAE

Caydiid Ali

Maxkamadeynta Askarigii dilay George Floyd oo ka bilaabaneysa Maraykanka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---