Barbara Woodward: “Waqtigu waa is gurayaa, waxaan ka codsanay dowladda Somalia inay..”

Safiirka Britain u fadhiya Qaramada Midoobey ayaa kulan la qaadatey Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Abokor, waxaana kulanka looga hadley arrimaha doorashada Soomaaliya iyo khilaafka ka taagan.

Labo ka mid ah dowlad goboleedyada ayaa weli muranka ugu badan uu kala dhexeeya Dowaldda federaalkam kaasoo salka ku haya sidii loo fulin lahaa heshiiskii September 2020, sidoo kale waxaa iyaguna qaabka dowaldda federaalku u maareyneyso doorashada ka soo horjeeda siyaasiyiin iyo Musharaxiin Madaxweyne.

“Waqtigu waa is gurayaa, waxaan ku booriney dowladda federalka Soomaaliya inay raadiso Dowladaha xubnaha ka ah oo ay la gaarto heshiis iyo afgarad” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Barbara Woodward, safiirka UK ee Qaramada Midoobey

Beesha Caalamka ayaa wada dedaalo sii xoogeysanaya si loo dhaqaajiyo arrimaha doorashada ee cakiran, waxaana muddo xileedkii Madaxweynaha ka dhiman maalmo yar oo keliya ilaa haddana ma muuqato calaamado muujinaya in doorashooyinku si dhaqsi ah u bilaaban doonaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -