Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Al Shabaab oo Weerar gaadmo ah ku qaaday ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya

Dagaalyahno katirsan Al Shabaab ayaa weerar dhabo gal ah ku qaaday kolonyo gaadiid ah ay wateen ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya oo marayay inta u dhaxeysa Deegaanka Qalimoow iyo degmada Balcad.

Gaadiid dagaal ay wateen ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa lagu weeraray deegaanka Gololey oo ku dhaw degmada Balcad,waxaana wararka aan helnay sheegayaan in Al Shabaab gubeen mid kamid ah gaadiidkii ay wateen Ciidanka Milatariga.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lasoo sheegayaa in uu soo gaaray ciidanka milatariga ee jidka loo galay, mana jiro wali wax war ah oo kasoo baxay taliska Milatariga iyo maamulka gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Al Shabaab ayaa weeraro isugu jira qaraxyo iyo kuwa toos ah ka geesta laamiga isku xira Balcad iyo Jowhar, waxaana jidkaasi la sheegay in uu noqday mid halis ah oo maristiisa aan lagu kalsoonaan karin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweynihii hore ee Mareykanka oo geeriyooday isaga oo 100-sano jir ah

Cabdi Cade

Ciidamada Israel oo duqeeyey Isbitaal kale & dad badan oo ku dhintay

Caydiid Ali

(Akhriso) Amar uu soo saaray Cali Jeyte oo maanta ka dhaqan galay Baladweyne

Caydiid Ali
Taboola Ads ---