Allbanaadir.com
NEWS

Fahad Yaasiin oo taageeray tallaabo dowladda Soomaaliya qaaday

Taliyihii hore ee hay’adda nabbadsugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir , ayaa soo dhaweeyay ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya shalay ka dejisay deegaanka Raaskanbooni ee gobolka Jubadda Hoose.

Fahad Yaasiin ayaana boggaadiyay in dowladda Soomaaliya ciidamo ka amar qaata ka dejiso gobolka Jubbada Hoose, waxa uuna sheegay in dowladda Soomaaliya gudatay waajibaad qarannimo oo ka saarnaa ilaalinta xuduudaha dalka.

“Waxaan boogaadin iyo hambalyo u dirayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo maanta gutay waajibkooda qarannimo ee ah ilaalinta xuduudaha dalka iyo la wareegidda amniga soohdimaha labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya,” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin , ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda Kenya in wada shaqeyn dhaw la yeelato dowladda Soomaaliya ayna kala shaqeyso arrimaha la xariira dhinaca amniga iyo sidoo kale iskaashiga dhaqaalaha.

“Waxaan ugu baaqayaa Dowladda Kenya inay wada shaqayn buuxda la yeelato Dowladda Federaalka, ayna iyada si toos ah ugala macaamisho arrimaha la xiriira amniga iyo iskaashiga dhaqaalaha ee labada dal,” ayuu sheegay Fahad Yaasiin.

Fahad Yaasiin ayaa xilligii uu katirsanaa dowladdii Farmaajo khilaaf xooggan kala dhaxeeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, waxa ayna Fahad iyo kooxdiisa ku fashilmeen qorshayaal ay meesha uga saari lahaayeen hoggaamiyaha Jubbaland oo xilligaasi dhibaato ku hayay maamulkooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Masuuliyiin kormeeray degaan dhowaan laga saaray Al-Shabaab (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Nin Lacag badan oo madax furasho ah loo dhiibay oo isagana la afduubtay !!

Cabdi Cade

Guurka gabdhaha aan qaan gaarin hoos u dhaay iyo sababta ka dambeysa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---