Guurka gabdhaha aan qaan gaarin hoos u dhaay iyo sababta ka dambeysa

Hey’adda Qaramada midoobay u qaabilsan caruurta ee UNICEF ayaa sheegtay in hoos u dhac wayn uu ku yimid tirada gabdhaha da’da yar ee la guursado guud ahaan dunida.

UNICEF ayaa ku qiyaastay in 25 milyan oo kiis oo lala xiriirinayo guurka hablaha da’da yar laga hortaggay tobbankii sanno ee lasoo dhaafay.

Mid kamid ah shantii gabdhood ayaa waxaa la guursada iyadoo 18 sanno jira ah, marka la barbardhigo tobban sanno Ka hor oo ay aheyd in afartii gabdhoodba mid kamid ah la guursado iyadoo aan qaangaarin.

UNICEF waxay sidoo kale sheegtay in guurka hablaha da’da yar ee dalalka dhaca koonfurta qaaradda Aasiya uu hoos u dhacay.

Dalka Hinddiya ayaa horumar ka sameeyay waxbarashada gabdhaha, islamarkaana wacyigellin ka sameesay dhibaatada uu guurka ku yeelan Karo hablaha da’da yar.

He’yadda ayaa intaasi ku dartay in dhibaatada ka dhanka ah gabdhaha yar ay weli ka taagan tahay qaarada Afrika, Inkastoo dalal ay kamid tahay Itoobiya uu hoos u dhac ku yimid guurka gabdhaha aan qaangaarin.

UNICEF waxay sidoo akle sheegeysaa in tirada guurka ee caruurta ku nool dalalka saxaraha ka hooseya uu sidoo kale hoos u dhacay marka la barbar dhigo muddo toban sano ka hor.

Madaxda caalamka ayaa horay u ballanqaaday in lasoo afjari doono guurka qasabka ah ee lagu la kaco gabdhaha da’da yar marka la gaaro 2030-ka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -