Nin Lacag badan oo madax furasho ah loo dhiibay oo isagana la afduubtay !!

Waqooyiga dalka Nageria waxaa dhacday dhacdo dad badan ka fajicisay kadib markii koox afduub ahaan u heesatay in ka badan 100-arday ay afduub u geesteen nin loogu dhiibay lacag badan oo madax furasho ahaan u dalbadeen.

Warbaahinta dalka Nageria ayaa ku warantay in kooxda afduubka u heesatay arday badan oo laga qafaashay iskuul Islaami ah ay qafaasheen nin loogu dhiibay lacag gaareysa 75,000 oo doolar ay iska aruuriyeen waalidiinta caruurta si loogu soo daayo.

Kooxdan afduubka ku dartay ninkii lacagta u waday ayaa la sheegay in aysan ku qanacsaneyn tirada lacagta loo geeyay sidaasna u afduubteen mar kale ninkii loogu dhiibay lacagta madax furashada ah.

Waalidiinta lacagta iska aruuriyay lacagta madax furashada ay ku doonayeen in caruurtooda loogu soo daayo ayaa hada waxaa lasoo darsay walaac xoogan ay ka qabaan nolosha caruurtooda kadib markii la afduubtay ninkii madax furashada u dhiibeen.

Maamulaha iskuulka ayaa sheegay in rajadooda ay aheyd in marka ay bixiyaan madaxfurashada in carruurta lasoo daayo balse haatan ay jahwareersan yihiin maadama ninkii loo dhiibay lacagta madaxfurashada ah in isagii la afduubtay.

Dalka Nageria waxaa ka jira afduubyo loo geesto ardayda iyo dadka kale ee lagu tihmayo hantida, waxaana dadkaasi la afduubto inta badan lagu soo daayaa lacag madax furasho ah oo ay bixiyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -