Masuuliyiin kormeeray degaan dhowaan laga saaray Al-Shabaab (Daawo Sawirro)

Masuuliyiin uu ka mid ahaa Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose Ibraahim Aadan Cali Najax iyo Saraakiil ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed ayaa kormeer ku tagay degaanka Bariire oo dhawaan ay la wareegeen ciidamo ka tirsan kuwa Kumaandoska Soomaaliya ee Danab.

Wasiirka Amniga Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka mid ahaa xubnaha kormeerka ku tegay degaanka Bariire oo muddo dheer ay xukumayeen Al-shabaab ka hor inta aan laga saarin dhowaan.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa kulan la qaatay saraakiisha ciidamada ee ku sugan degaanka Bariira, iyagoo warbixin ka siiyay xaalada degaanka waxaana uu uga mahad celiyay sida ay u xaqiijiyeen amniga, waxayna ku soo wareegeen qeybo ka mid ah degaanka.

“Waxaan u mahadcelinayaa Taliye Captain Abdi Ali Raage iyo ciidamadiisa sida ay ugu adkaadeen cadowga Al-shabaab iyagoo xaqiijiyay Amniga degaanka Bariire” ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose.

Degaanka Bariire oo hoos taga degmada Afgooye ayaa waxaa gacanta ku haya Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DANAB, kuwaasoo dhowaan Al-shabaab ka saaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -