Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed oo doortay Gudoomiye iyo kuxigeen (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta magaalada Baydhabo kulan gaar ah ku yeeshay Guddiga doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ee lagu wado in 28-ka bishan ay ka dhacdo Baydhabo.

Guddiga ayaa kulankooda waxa ay ku doorteen Gudoomiye, Gudoomiye kuxigeen iyo Xoghaye, waxa ay sidoo kale guddiga kawada hadleyn hab raaca doorashada iyo sidii shaqooyinka horyaala loo dar dar galin lahaa.

Gudomiyaha guddiga Doorashada Koonfur Galbeed ayaa loo doortay  Xildhibaan Shaacir Cumar Beyle,halka Guddoomiye ku xigeen loogu doortay Abuukar Xuseen Xasan, waxaa sidoo kale xoghayaha guddiga loo doortay Nuur Ibraahim Cusmaan.

Guddiga Doorasdhada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in doorashada ay ku dhaceyso waqtigii horey loo qorsheeyay ee ahaa 28-ka bishan, waxa ayna Guddiga sheegeen in si habsami leh uga shaqeyb doonaan diyaarinta doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -