Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in ciidamada Shiinaha isku diyaarinayaan duullaan xooggan ay ku qaadaan dhulka Taiwan, oo Shiinaha aaminsan yahay in dalkiisa katirsan yahay, halka Taiwan dhankeeda sheegato in ay tahay dal ka madaxbannaan Shiinaha.
Xog-hayaha difaaca Mareykanka, Pete Hegseth oo socdaal ku maraya dalalka koonfur-bari Aasiya, ayaa uga digay dowladda Shiinaha in ay ku duullaan Taiwan, waxa uuna Xoghayaha sheegay in duullaanka Shiinaha ka dhalan karto saameyn xun oo gobolka iyo caalamkaba.
“ Waxaan ognahay in madaxweynaha Shiinaha uu amar ku bixiyay in ciidankiisa ay u diyaar garoobaan duulaanka Taiwan…Isku day kasta oo uu Shiinuhu ku doonayo in uu Taiwan ku galo waxa uu saamayn xun ku yeelanayaa gobolka iyo caalamkaba” ayuu yiri Pete Hegseth .
Xoghayaha Difaaca dowladda Mareykanka , ayaa sidoo kale sheegay in iyaga oo kaashanaya dowladda Filibiin geeyeen xadka u dhaxeeya Filibiin iyo Taiwan gantaalaha-ka-hortagga maraakiibta guurguura marinka Luzon Strait.
Mareykanka ayaa taageera maamulka gooni u goosadka ah ee Taiwan, waxa ayna dowladda Shiinaha dooneysaa in si buuxda Taiwan loogu soo daro dhul weynaha Shiinaha, iyaga oo ka biyo diidan in ay noqoto dal ka madaxbannaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com