Ciidamada difaaca maamul goboleedka Puntland, ayaa saakay oo Sabti ah weerar dhoor jiho ah waxa ay ku qaadeen saldhig weyn oo kooxda Daacish kaga sugnaayeen Ceelka Miraale oo katirsan buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari .
Sida aan wararka ku helnay ciidamada Puntland oo taageero ka helayay diyaarado dagaal , ayaa saakay weerar culus ku qaaday taliska Miraale ay ku sugnaayeen dagaallamayaal katirsan Daacish, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo lagu jabiyay kooxda Daacish.
Ciidamada Puntland, ayaa wararku sheegayaan in ay la wareegeen taliska Ceelka Miraale ay ku sugnaayeen Daacish, waxaana xubnihii kooxda argagaxisada ah ee halkaasi ka firxaday la sheegay in ay galeen dhinaca togga Baalade ee katirsan Calmiskaad.
Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada Puntland, ayaa sheegay in kooxda Daacish ku jabiyeen weerarkii ay saakay ku qaadeen, waxa ayna sheegeen saraakiisha in ay la wareegeen taliskii weynaa ee ku lahaayeen Miraale ayna hadda ku daba jiraan firxadka kooxdaasi.
Guushan ay saakay ciidamada Puntland gaareen ayaa kusoo aadaya xilli Puntland heshay diyaarado dagaal oo ciidamada ka caawinaya dhinaca cirka, waxa ayna guushan imaaneysaa xilli Puntland qaadeyso howlgalladii ugu dambeeyay ee lagu soo afjarayo kooxda Daacish.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com