Kiiska Musuqa ee loo heysto Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska RW oo weji cusub yeeshay (Cadeymo cusub)

Waxaa weji cusub yeeshay Kiiska musuqa ah ee loo heysto Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Raisul Wasaaraha Somalia Axmed Nuur Maxamed Cabdi oo lagu eedeeyey inuu si sharci daro ah u qoray shaqaale cusub oo ay heyb wadaag yihiin.

Xeer ilaalinta Qaranka, Hanti dhowrka guud iyo heyadda shaqaalaha rayidka ah ayaa la sheegayaa iney soo fara geliyaan kiiskan, iyagoo wadaan baaritaano kala duwan oo la xiriira habka loo maray qorista shaqaalaha cusub iyo in la waafajiyey shuruucda u yaalla shaqaalaha dalka.

Arintan ayaa noqotay fadeexad hareysay Xafiiska Xoghayaha Raisul wasaaraha dalka oo maalmahan noqday meel ay u soo shaqo tagaan heyadaha baarista Qaranka, waxaana jira warar sheegaya in Ra,iisul wasaare Xasan Cali Khayre uu ka fiirsanayo inuu shaqada ka eryo xoghayaha joogtada ah maadaama oo aad u neceb yahay musuqa iyo qabyaalada .

Xoghayaha joogtada ee Xafiiska Raisul Wasaaraha Somalia Axmed Nuur Maxamed Cabdi

Xoghaye Axmed Nuur Maxamed Cabdi ayaa tan markii xilkaas loo magacaabay lix bilood ka hor qortay in ka badan shaqaale 20 gaaraya oo ay heyb qabiil wadaagaan isagoo mushaharkooda ka dalbay Bankiga adduunka iyo heyadda qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta ee UNDP sida ku cad documentiyo muhiim ah oo ay heshay Shabakadda Allbanaadir Online oo qoraalkan idin kugu soo lifaaqeysa documentiyo cusub oo la xiriira kiisan xasaasi ah.

FG:Shabakadda Allbanaadir Onilne ayaa Bankiga adduunka iyo heyadda qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta ee UNDP ka codsaday in ay Baaraan Kiiskaan Musuqa ah Maadaama Shaqaalahaan lagu soo qoray heyb qabiil iyo Nin Jeclaysi oo ku dhaqmayo Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Raisul Wasaaraha Somalia Axmed Nuur Maxamed Cabdi  oo xilkaan hayo in ka yar 6 Bil.

Wararkii hore Hoos ka aqriso:-

Muran iyo isqabqabsi fara badan oo maanta iyo Shalay hareeyey Xafiiska Raisul Wasaaraha Somalia

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -