Dib u dhiska garoonka Stadium Muqdisho oo heer gebogebo ah maraya (Sawirro)

Dib u dhis xooggan oo mudooyinkan ka socday garoonka ciyaaraha ee Muqdisho Stadium ayaa soo gaaray heer gebogebo ah.

Garoonka oo dhowr bilood ka hor markii DF lagu wareejinayey burbur xoog leh uu ka muuqday ayaa hadda waxaa dib u soo laabtay bilicdii lagu yaqiinay.

Roogga cagaaran ama cowska macmalka ah ayaa la dhigay bartamaha garoonka, taasoo ka dhigtay mid quruxdiisa ay soo jiidatay dad badan.

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ee Xukuumada Somalia Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in dhismaha garoonka %90 la dhameystiray 10-ka harayna si deg deg ah loo soo gebagebeyn doono.

1-da bisha Luulyo ee sanadkan 2020 oo ku beegan sanadguuradii 60aad ee ka soo wareegtay maalmaha xoriyada ayaa la filayaa in Madaxweyne farmaajo uu xariga jaro garoonkan iyo mashaariic kale oo dhismahooda uu ka socdo Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA GAROONKA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -