Xildhibaan shaaciyay Ujeedka Madaxweyne Farmaajo ka leeyahay shirka uu iclaamiyay

Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay mar kale iclaamiyay shir hal maalin soconaya oo maalinta khamiista lagu dhameestirayo   wadahadalladii la xiriiray hirgelinta doorashooyinka dalka.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa sheegay in ujeedka Madaxweyne Farmaajo shirkan u iclaamiyay uu yahay in uu ka cararayo banaan baxa looga soo horjeedo ee sabtida la qorsheeyay in uu ka dhaco magaalada Muqdisho.

”Farmaajo isagoo ka caraysan, kana cararaya Mudaharaadka maalinta Sabtiga iyo shirka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta u balansanyihiin maalinta Khamiista ayuu ku baaqay shir degdeg ah in ay isugu yimaadaan Dowlada Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka maalinta Khamiista.” ayuu yiri Mahad Salad.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in Farmaajo rabo in uu isku khataaro ciidamada amaanka ,shacabka bannaanbaxaya, Musharaxiinta iyo Ra’iisul Wasaaraha, Dowlad Goboleedyda iyo Beesha Caalamka.

”Mar hadii Farmaajo rabo in uu isku qataaro Ciidamada iyo Shacabka bannaanbaxaya, Musharaxiinta iyo Ra’iisul Wasaaraha, Dowlad Goboleedyda iyo Beesha Caalamka, Haddaba maxaa diidaya annagana inaan soo hormarsanno Mudaharaadka maalinta Sabtiga, lagana dhigo maalinta Arbacada ama Khamiista?!” ayuu Yiri Xildhibaanka.

Shirkan uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo ayaa kusoo aadaya xili Ra’isul Wasaare Rooble waday dadaalo la isugu soo dhaweenayo Mucaaradka iyo dowlada federaalka , waxaana shirkan laga cabsi qabaa in uu dhabar jebiyo dadaaladii Rooble waday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -