Xasan Sheekh oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Kismaayo (Daawo Sawirada)

Madaxweynihii hore ee dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamed iyo xubno la socday ayaa maanta si heer sare waxaa loogu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland.

Xasan Sheekh iyo xubnaha la socday waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo xubno kale oo katirsan maamulka Jubbaland.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa socdaalka uu maanta ku tagay magaalada Kismaayo lagu sheegay mid uu ku doonayo in uu ku xoojiyo xisbihgiisa uuna xarun uga sameeyo magaalada Kismaao.

Xasan Sheekh ayaa hada kamid ah Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowlada Soomaaliya, waxa uuna  Gudoomiye u yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya xisbi siyaasadeed ay ku jiraan siyaasiyiin badan oo Mucaarad ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -