Idaacadda ku hadasha codka Al-Shabaab ee Andalus oo duqeyn lagu burburiyey

Dayuuradaha Maraykanka ayaa la sheegay iney xalay Magaalada Jilib ee gobolka J/dhexe ka geysteen duqeyn lagu burburiyey xarunta Idaacada ku hadasha codka Al-Shabaab ee Andolus sida ay baahisay Warbaahinta dowlada.

Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa ku warantay in duqayntan ay ahayd mid bartilmaameed ah oo xarumo dhowr ah oo Al-Shabaab ay ku dhuumaalaystaan lagu wada rusheeyay.

Goobaha sida gaarka ah loola beegsaday  ayey Wakaaladu sheegtay iney ka mid aheyd xarunta Idaacadda Andalos oo ay ku sifeysay iney ka shaqaynaysay marin habaabinta iyo baadiyeynta dadka Soomaaliyeed.

“Dhagar-qabayaashii xiligaasi ku sugnaa Idaacadda Andolus ayaa duqayntaasi ku baaba’ay, inkastoo wali aan la helin magacyadooda” ayaa lagu yiri warka ay faafisay Wakaalada.

Weriye ka tirsan Al-shabaab oo magaciisa lagu soo koobay Jabriil ayey wakaaladu sheegtay inuu ka mid ahaa dadka ku dhaawacmay duqeynta Idaacada Andolus.

Ciidamada Maraykanka ee jooga Somalia oo duqeymaha noocan ah la beegsada Al-shabaab ayaan illaa hadda war ka soo saarin arrintan, mana jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya ama beeninaya dhacdada ay faafisay SONNA.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -