Wararkii ugu dambeeyey khasaaraha qaraxii ka dhacay duleedka Muqdisho

Faahfaahino ayaa ka soo baxaya qarax khasaare geystay oo saacado ka hor ka dhacay Degaanka Weydow ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Dadka degaanka ayaa sheegaya in qaraxa oo loo adeegsaday miino jidka dhinaciisa lagu aasay uu qabsaday gaari uu watay nin ku lebisan dareyska Ciidamada Xooga dalka oo halkaas marayey.

Wararka ayaa intaas ku daraya in gaariga qaraxa lala eegtay uu ka baxay Muqdisho kuna wajahnaa dhinaca degmada Afgooye.

Ugu yaraan labo ruux ayaa ku dhintay qaraxan kuwaasoo kala ahaa darawalkii gaariga iyo darawalka mooto bajaaj dhinaciisa mareysay, waxaana ku dhaawacmay dhowr qof oo kale sida dad goobtaas ku sugnaa ay xaqiijinayaan.

Ciidanka ammaanka ayaa tagay goobta uu qaraxa ka dhacay, waxayna sameeyeen baaritaan, iyagoo wadada ka qaaday gaariga la qarxiyey oo aad u burburay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -