Madaxweyne Geelle:” Waxaa la gaaray xiligii ciidamada Somalia la wareegi lahaayeen amniga dalkooda”

Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay arimaha Siyaasadda, amaanka iyo taageerada ee Soomaaliya.

Isagoo wareysi siinayey mid ka mid ah warbaahinta Soomaalida ayuu sheegay Madaxweyne Geelle in Somalia ay haatan cagta saartay wadada horumarka iyo dowladnhimada.

Geelle ayaa taageeray qorshaha ciidamada AMISOM ku doonayaan iney ku soo afjaraan  howlgalka AMISOM ee Soomaaliya oo socday in ka badan 10 sano.

“Waxaan aaminsanahay in la gaaray waqtigii ay Ciidamada Soomaaliya maamuli lahaayeen dalkooda ciidamada shisheeyana  ka bixi lahaayeen” ayuu yiri Geelle oo intaa ku daray in ciidamada shisheeye aysan weligood joogeyn Somalia, ayna tahay Soomaalida iney awooda maamulka dalkooda hogaamiyaan.

Waxaa uu sheegay in kooxda dowlada la dagaalameysa ee Al-shabaab awoooda la daciifiyey, aysana laheyn xoog ay dowlada ku dumin karaan “Waxay noqdeen kooxo yar yar oo weeraro aan buurneyn geysan kara” ayuu yiri Geelle.

Hadalka Madaxweynaha Jabuuti ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay bilaabatay bixitaanka Ciidamada AMISOM, waxaana dabayaaqadii sanadkii dhamaaday la daad gureeyey oo dalka ka baxay kun askari oo ka tirsan ciidamada Ugandha.

AMISOM ayaa waxaa weli Soomaaliya ka jooga ku dhowaad 20 kun oo askari kuwaasoo ka kala socda illaa shan dal oo kala ah Jabuuti, Ugandha, Burundi, Itoobiya iyo Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -