Maxkamada Yurub oo sharci ka soo saartay in loo gefo nebi Muxamed NNKH

Maxkamada Xuquuqda Aadanaha ee Yurub ayaa soo saartay sharci cusub oo mamnuucaya in loo gefo Nebi Muxamed NNKH iyadoo lagu gabanayo xoriyatul qowl.

Maxkamada ayaa sheegtay in qof walba oo hadal gef ah ku sifeeya nebi Muxamed la ciqaabi doono.

Maxkamadda ayaa go’aankan soo saartay kaddib markii ay haweenay Austrian ah ay aflagaadeysay Nabiga (NNKH) sanadkii 2009-kii, iyadoo sidoo kale  ay jireen kiisas badan oo noocaas ah iyo sawir-gacmeedyo caro badan ka dhaliyey dunida Muslimka.

Guddi ka kooban todoba garsoore ayaa xukumay in cid kasta oo aflagaaddaysa Nabiga (NNKH) uu ka gudbayo xadka loo calaamadeeyay maadaama uu sababayo cadaawad kala gasha bulshada kala diimaha ah.

Talaabadan ayaa waxaa si diiran u soo dhoweeyey  Muslimiinta ku dhaqan qaarada Yurub, waxaana ka soo horjeestay ururada u dooda masiixiyiinta xagjirka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -