Allbanaadir.com
NEWS

Shirkad ay leedahay Israel oo lagu weeraray Gothenburg

Weerar ayaa ka dhacay shirkadda tiknolajiyada iyo qalabka militari Israa’iil ee Elbit, xarun ay ku leedahay magaalada Gothenburg ee dalka Sweden, kaddib markii la sheegay in rasaas lagu furay xarunta shirkaddaas.

Booliiska Sweden ayaa si dhaqso ah goobta ku gaaray, iyagoo weerarkan u xiray nin dhallinyaro ah oo 15 jir ah, waxaana lagu sheegay warbixinta hordhaca ah ee booliiska inaysan jirin wax khasaare ah oo rasaasta lagu weerarray xarunta shirkadan ka dhalatay, lama bixin faahfaahin intaa ka badan.

Booliiska Sweden ayaa dhawaan sheegay inay sare u qaadayaan ammaanka hantida iyo xarumaha diblomaasiyadda Israa’iil ee gudaha Sweden, kaddib weerar aan khasaare geysan oo ka dhacay safaaradda Israa’iil ee Sweden.

Warbaahinta iyo baraha bulshada ee taageerra Israa’iil ayaa dhacdada maanta ee lagu weerarray xarunta shirkadda Elbit, la xiriiriyay kooxda Foxtrot oo ay sheegeen inay fuliyaan howlgallada Yurub ee ka dhanka ah Israa’iil iyagoo taageerraya Iran. Mase jiro warbixin ka soo baxday dhinaca booliiska Sweden oo lagu sheegay haddii weerarkan uu yahay mid ay Foxtrot abaabushay.

Related posts

Diyaarad Dagaal oo lagu qiimeeyay lacag dhan 36-Milyan Dollar oo bur burtay

Cabdi Cade

Ciidamo Mareykan ah oo lagu la’yahay badda Soomaaliya iyo baadigoob xooggan oo socda

Cabdi Cade

Muuse Biixi oo ka farxiyey qaar ka mid ah Maxaabiista ku xiran xabsiyada Somalilland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---