Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Dowlada oo degaano cusub kala wareegay Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay deegaano hoos taga gobolka Sh/hoose

Degaanada Jowhar iyo Daarusalaam oo al shabaab ay gacanta ku hayeen sidoo kalana hoostaga degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ka mid ah degaanada lala wareegay.

Howlgal dhowr jiho ah oo xalay soo bilawday ayay deegaanadan Ciidanka kaga saareen al shabaab, waxaana jira jab Xooggan oo lagaarsiiyey sida uu xaqiijiyay Taliyaha Guutada 14-ka October G/sare Nuur Maxamed Gaabow “Nur Farey”

Ururada 175-aad, guutada 17-aad ee Gorgor iyo 146-aad ee guutada 14-ka October oo howlgalkan fuliyay ayaa baaritaano kala duwan ka sameynaya goobaha howdka ah ee ku teedsan deegaanada lala wareegay.

Dhinaca kale Ururada 144-aad iyo 145-aad ee guutada 14-ka October ayaa howlgal loogu raad joogo firxadkii al shabaab ka fulinaya tuulooyin u dhaxeeya Awdheegle iyo Janaale.

 

Related posts

Qoorqoor oo dhameystiray xubno ka dhinaa Wasiirada Galmudug (Qabiilada & Magacyada)

Caydiid Ali

Xarun Degmo ay Al-Shabaab qarxiyeen oo dib u dhis lagu sameeyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dowlada Sacuudiga oo Balan qaad muhiim ah u sameysay Ra’isul Wasaare Abiy Ahmed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---