Allbanaadir.com
NEWS

Diyaarad Dagaal oo lagu qiimeeyay lacag dhan 36-Milyan Dollar oo bur burtay

Diyaarad dagaal oo leeyihiin ciidanka milatariga dalka Ruushka ayaa la xaqiijiyay in ay bur burtay, waxaana shilkan diyaaradeed la shaaciyay in ay ka bad baadeen labo duuliye oo diyaarada duulinayay.

War kasoo baxay wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa lagu sheegay inay diyaarad dagaal oo nooceedu ahaa Sukhoi-34 ay saakayto abaarihii 10-kii barqanimo ku burburtay gobalķa Voronezh ee dalka Ruushka.

Shilkan diyaaradeed ayaan wali la shaacin waxa sababay, waxaana durba wasaaradda Difaaca dowladda Ruushka shaacisay in la bilaabay baaritaano lagu sameenayo waxa sababay shilkan diyaaradeed.

Diyaaradan bur burtay ee lahaayeen ciidamada milatariga Ruushka ayaa lagu qiimeeyay 36-milyan oo dollar, waxa ayna diyaaradan kamid tahay kuwa casriga ah ay asdeegsadaan ciidamada dalkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

MUQDISHO: Ciidanka NISA oo dil iyo dhaawac u geystay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

Caydiid Ali

Putin oo qaaday talaabo walaac badan ku abuurtay Mareykanka iyo Xulafadiisa Yurub

Caydiid Ali

Mashaqo soo wajahday Cumar Filish & Laamaha amniga DF oo digniino soo saaray.

Caydiid Ali
Taboola Ads ---