Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo Mareykan ah oo lagu la’yahay badda Soomaaliya iyo baadigoob xooggan oo socda

Askar ka tirsan ciidamada badda dowladda Mareykanka ayaa lagu la’yahay badda Soomaaliya, waxaana socda baadigoob xooggan oo lagu raadinayo nolol iyo geeri askartaasi maqan.

Bayaan kasoo baxay taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ayaa lagu shaaciyay in labo askari oo katirsan ciidamada Badda la waayay, waxa ayna taliska sheegeen in howlgalo lagu raadinayo laguna samatabixinayo askartaasi ay socdaan.

Taliska dhaxe ee ciidamada  Mareykanka faah faahin badan kama bixin askarta maqan magacyadooda iyo markabka ay la socdeen, sidoo kale lama faah faahin sababta keentay in askartaasi la waayo.

Dowladda Mareykanka ayaa isbuucyadii lasoo dhaafay maraakiib nuuca dagaalka ka howlgalisay qeybo kamid ah badda cas iyo gacanka cadmeed, kaddib markii ay kordheen weerarada kooxda Xuutiyiinta ah ku qaadayaan Maraakiibta ganacsi ee badda cas mara.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Luqad ay ku hadlaan dad gaaraya 800 oo qof oo Dhawaan la qoray !!

Cabdi Cade

Talaabooyin lagu xoojinayo amniga Magaalada Muqdisho (Shaki laga qabo Wali Farmaajo)

Caydiid Ali

Guuldaro kale oo soo wajahay Xisbiga Jamhuuriga ee uu ka soo jeedo Trump

Caydiid Ali
Taboola Ads ---