Allbanaadir.com
NEWS

Xamse Barre oo xariga ka jaray Laamiyo cusub (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray waddo cusub oo Laami ah

Wadadan ayaa laga hirgeliyey Degmada Garasbaaley ee Gobolka Banaadir, iyadoo fududueyn doonta isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Waddadan oo lagu magacaabo Macaani, ayaa lagu dhisay canshuurta laga qaado bulshada ku nool gobolka banaadir, taasoo qayb ah qorshaha horumarinta caasimadda ee dalkaaga ku dhiso hal dollar.

Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale isla saaka xarigga ka jaray waddada Via Uganda ee ka baxda Isgoyska dabka tagtana Dekkada Muqdisho, taasoo dhex marta degmooyinka Waaberi iyo Xamar Jajab

Sidoo kale, waxa uu dhagax-dhigay waddada isku xirta Dabka illaa isgoyska Bakaaraha ee Degmada Howlwadaag, taasoo dib-u-dhis lagu sameynayo mar kale markii ay ku burburiyeen roobabkii dhowaanahan ka da’ayey Muqdisho

Waxaa  munaasabadaas goob joog ka ahaa gudoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale, masuuliyiin heerar kala duwan leh iyo qeybaha bulshada degmada Garasbaaley.

Related posts

Mooshinkii laga gudbiyay Madaxweyne Farmaajo oo bur buray (Akhriso Cadeyn)

Cabdi Cade

Waa kuma Maxamed Qanyare “ Taariikhdiisa soddomeeyadii sano ee u dambeeyay (Qaybta Saddexaad)

admin

Baarlamanka Somalia oo wafdi u diray Geneva (Ujeedka)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---