Allbanaadir.com
NEWS

Madaxii hore ee Nabadsugidda Sacuudiga oo lagu riday xukun adag

Maxkamad kutaalla Boqortooyafa Sacuudiga ayaa ku xukuntay madaxii hore ee nabadsugidda 20 sano oo xarig ah, kadib markii lagu soo eedeeyay eedeymo musuqmaasuq.

General Khaalid Bin Qarar Al-Xarbi ayaa sidoo kale lagu ganaaxay lacag dhan rubac milyan oo dollar, waxaana lagu xukumay inuu bixiyo saddex milyan iyo bar doollar oo laaluush ah iyo hanti kale uu lunsaday.

Agaasimihii hore ee amniga oo xilkan hayay muddo lix sano ku dhow ayaa lagu helay dambiyo ah been abuur, laaluush qaadasho lacageed iyo ku takri falid dano gaar ah.

Xukunku ayaa ah mid kama dambays ah oo aan rafcaan laga qaadan karin.

Wasaaradda arrimaha gudaha Sacuudiga ayaa carabka ku adkeysay in dowladdu ay sii wadi doonto la dagaallanka musuqmaasuqa noocyadiisa kala duwan, lana ciqaabi doono cid kasta oo lagu helo dambi.

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse oo ka hadlay Dagaal saakay Al Shabaab looga saaray Buulo-Xaaji

Cabdi Cade

Puntland oo u yeeratay xubnaha ku metela goleyaasha DF

Caydiid Ali

Banaan bax looga soo horjeeday Wadooyin dhawaan dhagxaan lagu xiray oo Muqdisho ka dhacay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---