Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo ka hadlay Dagaal saakay Al Shabaab looga saaray Buulo-Xaaji

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu hambalyeeyey ciidamada geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada Jubbaland guusha ay ka gaareen dagaalka cadowga looga sifeynayo deegaannada Jubbaland.

Ciidanka ayaa saaka si buuxda ula wareegay deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose oo qiyaastii 80-KM dhanka Koonfureed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka.

“Waxaan ku ammaanayaa Ciidammada Halyeeyada Qaranka ee sida geesinimada, Dadaalka iyo Daacadnimadu ku jirto uga xoreynaya Khawaarijta deegaanada fara kutiriska ah ee ay gacanta ku hayaan”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladdu ay gacanna kula dirirayso Khawaarijta gacanna ay ku daryeelaysaa shacabkeeda, isaga oo intaas ku daray in goobaha la xoreeyey la gaarsiin doono adeegyadii aas-aasiga ahaa sida waxbarasho, caafimaad iyo nabadgalyo, si la mid ah deegaanadii kale ee laga xoreeyay Khawaarijta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shir Xasaasi ah oo u dhaxeeya Golaha Wadatashiga iyo Musharaxiinta oo socda (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowladda oo Shaacisay in saakay la dilay in ka badan 20-xubnood oo katirsan Al Shabaab hubna laga furtay

Cabdi Cade

Ciidamada DF oo Duullaan ku ah labo deegaan iyo Shacabka oo loogu baaqay in ay ka baxaan

Cabdi Cade