Allbanaadir.com
NEWS

Banaan bax looga soo horjeeday Wadooyin dhawaan dhagxaan lagu xiray oo Muqdisho ka dhacay

Waxaa maanta banaan bax balaaran looga soo horjeeday dhagxaan shub ah oo dhawaan lagu xiray qaar kamid ah Isgoosyada ka baxa Laamiga Warshadaha uu ka dhacay qeybo kamid ah Laamigaasi.

Banaan baxa waxaa dhigayay darawalada gaadiidka dadweynaha ee inta badan isticmaala wadadaasi iyo qaar kamid ah shacabka ah halkasai degan oo dhibaato xoogan hada kala kulmaya wadooyinkan dhagxaanta lagu xiray.

Sida aan wararka ku helnay banaan baxa ayaa dhacay agagaarka warshada Taraqa iyo sigaarka iyo xaafadaha ku dhaw dhaw, waxa ayna dadku ka cabanayeen in dhibaato badan ku qabaan wadooyinkan dhagxaanta lagu xiray.

Wadooyinkan hada dhagxaanta lagu xiray ayaa markii hore waxaa joogay ciidamo booliis ah oo gaadiidka baari jiray ,hasa ahaatee dhagxaanta kadib ayaa la sheegay in ciidamada adkeeyeen marista wadooyinkaasi.

Dhagxaantan dhawaan lagu xiray wadooyinka kasoo baxa Laamiga Warshadaha ayaa laga qaaday wadooyin horey ugu xirnayeen oo kuyaala laamiga Wadnaha iyo xaafado kale oo magaalada Muqdisho kuyaala.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al-Shabaab oo soo bandhigtay gaadiid ay ku qabsatay weerarkii saldhiga Kaxda (Sawirro)

Caydiid Ali

Kenya oo heshay keydkii ugu horreeyay ee macdanta qaaliga ah ee loo yaqaan Coltan

Cabdi Cade

Saciid Ciise: “Cid kasta oo ummadda Soomaaliyed dhulalkeeda kala goysa waa cadow”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---