Allbanaadir.com
NEWS

TV-ga Qaranka oo ku biiray dagaal siyaasadeedka u dhaxeeya Puntland iyo DFS

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland ayaa xiriirkooda meel xun gaaray, kaddib marklii uu talada si rasmi ah ula wareegay Madaxweyne Xasan Sheekh uuna ballamo badan uga baxay Madaxweyne Deni oo kaalin ku lahaa guushii uu doorashada ka gaaray.

Maamulka Puntland ayaa bannaanka ka ahaa muddooyinkii lasoo dhaafay siyaasadda dowladda Federaalka, waxa ayna Puntland diiday kana baaqatay shirar badan oo ay yeesheen madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo dib loo doortay mar kale ayaa si cad xiriirka ugu jaray dowladda Federaalka Soomaaliya waxa uuna ku eedeeyay dowladda in ay burburineyso nidaanmka Federaalka ee heshiiska lagu ahaa.

Dagaalka dhinaca siyaasadda ee u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland waxaa qeyb ka noqotay warbaahinta dowladda , gaar ahaan Tv-ga qaranka oo joojiyay in uu baahiyo wararka khuseeya arrimaha maamulka Puntland iyo hormurada maamulkaasi ka socda.

Tv-ga Qaranka ayaa ceeb weyn iyo fadeexad kala kulmay war ku saabsan kulan xalay Gaalkacyo ku yeesheen madaxda Puntland iyo Galmudug, waxa uuna Tv-ga soo qaatay qoraalka wadajirka ah ee kasoo baxay labada madaxweyne, waxa uu sidoo kale soo qaatay kaliya sawirada dhinaca Galmudug., isaga oo ka tagay sawirada Madaxweynaha Puntland iyo wasiiradiisa.

Dad badan ayaa ka falceliyay tallaabada uu qaaday Tv-ga Qaranka, waxa ayna ku tilmaameen in uusan aheyn telefishin u dhaxeeya dadka Soomaaliyeed uuna yahay mid dad gaar ah ama qabiil gaar ah maamulaan gacantana ku hayaan waxa ay doonaan ku daabaca.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay ka wada hadleen Qoorqoor iyo danjireyaasha reer galbeedka u fadhiya Somalia?

Caydiid Ali

Ciidamada Ruushka oo dagaal kula wareegay magaallo kutaalla dalka Ukraine

Cabdi Cade

Madaafiic saakay lagu garaacay madaxtooyada Soomaaliya iyo khasaaro ka dhashay

Cabdi Cade