Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Roobow oo su’aalo laga weydiiyey arrimo xasaasi ah

Guddiga Garsoorka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan su’aalo waydiin iyo la xisaabtan ah xafiiskiisa Villa Hargeysa kula qaatay wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo ay wehliyaan Agaasimaha guud ee wasaaradda iyo sidoo kale qaar ka mid ah agaasime waaxeedyada wasaaradda, waxaana kulanka shir guddoominayay guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Cali Xaaji Daahir.

Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta ayaa marka hore xubnaha guddiga faahfaahin ka siiyay howlaha ay wasaaradda dadka iyo dalka u heyso iyo sidoo kale qorshayaasha wasaaradda u degsan.

Intaasi ka dib xubnaha guddiga ayaa wasiirka iyo xubnaha kale ee la socday su’aalo ka weydiiyay howlaha ay wasaaradda heyso gaar ahaan arrimaha xajka iyo guud ahaan shaqooyinka wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta, waxaana wasiirka iyo xubnihii la socday ay ka jawaabeen dhamaan su’aalihii xubnaha guddiga ay weydiiyeen.

Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Cali Xaaji Daahir oo kulanka soo xiray ayaa xubnaha wasaaradda oo uu wasiirka ugu horeeyo uga mahadceliyay ka jawaabistooda u yeeritaanka guddiga,waxaana labada dhinac ay isku raaceen dhamaystirka sharciga xajka.

Related posts

Daawo Sawirada: Masjidka Ugu Weyn Galbeedka Afrika oo si qurux badan loo dhisay

Cabdi Cade

DFS oo loogu baaqay in ciidamo geyso Bakool kaddib dibadbaxii shalay dhacay

Cabdi Cade

Maqaamka iyo xuquuqda Muqdisho oo maanta laga tashaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---