Iran oo digniintii ugu weyneyd siisay Maraakiibta isticmaasha marinka Hormuz

Dowladda Iran hadda kadib iskama indha tiri doonto “dambiyada badeed” ee ka dhacaya Gacanka, waxaa sidaas maanta sheegay wasiirka arrimaha dibedda dalkaas, maalin kadib marki Tehran ay qabatay markab laga leeyahay Iraq, oo ay ku eedeysay inuu gudbinayey shidaal sharci-darro ah.

Ciidamada Ilaalada Kacaanka ee Iran ayaa markabaas iyo toddobo shaqaale ah oo saarnaa ka qabsaday Jasiidda Farsi ee Iran, ee ku taalla waqooyiga Marinka Hormuz, sida ay sheegeen warbaahinta dowladda.

Tallaabadaas ayaa loo arkay mid Iran ay ku muujineyso awooddeeda, xilli ay xiisad xooggan kala dhaxeyso Reer Galbeedka, taasi oo wasiirkeeda arrimaha dibedda Mohamed Javad Zarif uu ku eedeeyey inay hurinayaan mas’uuiliyiinta Mareykanka.

“Iran way cafin jirtay qaar ka mid ah dambiyada badeed ee ka dhacaya Gacanka, hase yeeshee mar dambe indhaha kama xiran doonto” ayuu Zarif ku sheegay shir jaraa’id.

Waxa uu cambaareeyey cunaqabateynta ay Mareykanka arbacadii kusoo rogeen isaga, wuxuuna sheegay in Washington ay xirtay albaabkii diblomaasiyadda ee heshiiskii Nuclearka ee la gaaray sanaddii 2015, kaasoo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ka baxay sanadkii tagay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -