Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Kuuriyada Waqooyi oo mar kale tijaabisay Gantaalo Balastig ah

Dowlada Kuuriyada Waqooyi ayaa saakay aroortii la sheegay in ay tijaabisay laba gantaal oo ah nuuca ridda gaaban ee loo yaqaanno balistiga.

Waxaana talaabada Kuuriyada Waqooyi saakay ku tijaabisay Gantaaladan noqoneysa tii labaad oo Xukuumada  Pyongyang sameyneyso muddo isbuuc gudahiis ah.

Wasaarada Gaashaandhiga Kuuriyada Koofureed ayaa sheegtay in gantaallada ay saakay tijaabisay Kuuriyada Waqooyi laga ganay magaalada xeebeedka Wonsan ee ku taalla dhanka bari.

Gantaalladan balastiga ee saakay Kuuriyada Waqooyi tijaabisay ayaa dhulka ka sarreeyay fogaan dhan 30 km iyaga gaaray masaafo dhan 250 km.

Isbuucii hore ayaa Kuuriyada Waqooyi tijaabisay gantaal ballistic ah,waxa ayna tijaabadaasi Xukuumada Pyongyang ku micneesay in ay jawaab u aheyd go’aanka ay Kuuriyada Koofureed ku gaartay in ay hub kasoo iibsan doonto Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Muxuu Xasan Shiikh kala hadlay danjire Danjire Mike Nithavrianakis?

Caydiid Ali

Dowlada Federaalka oo faro galin ku heysa Mooshinka laga gudbiyay Madaxweyne Waare

Cabdi Cade

Axmed Macalin Fiqi maxuu ku heestaa Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Jen. Odawaa ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---