Qaraxyo caawa lagu weeraray xero ay ku jireen ciidankii lagu soo tababaray Eritrea

Dhowr qarax ayaa caawa laga maqlay nawaaxiga xerada Jen. Gordan oo ku taalla agagaarka Ex-Warshaddii Caanaha, degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ay ku jiraan inta badan ciidankii tababarka ku soo qaatay dalka Eritrea.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxyada ay dhaceen ka dib markii kooxo hubeysan ay ku weerareen bambooyinka gacanta laga tuuro ee loo yaqaano F-1, iyadoo qaraxyada ka dib la maqlay tacshiirad ay fureen ilaalada xerada.

Ilo wareedyo ayaa ku waramaya in qaar ka mid ah bambooyinkaas ay ku dhaceen gudaha xeradaas, ayna waxyeelo ka soo gaartay qaar ka mid ah ciidamada ku jira inkastoo aan tirakoob saxan laga heynin.

Ciidamada xeradan ku jira ayaa waxaa dhowaan lagu wareejiyey dowlada Imaaraadka carabta sida uu qorayo heshiis ay la gashay dowlada Somalia, iyadoo bixin doonta mushaharka iyo saadka ciidamada.

Qaar ka mid ah warbaahinta gudaha ayaa tebinaya in ciidanka ku jira xeradan saaka laga ururiyey qoryihii iyo hubkii kale ee ay heysteen, iyadoo dad badan ay isweydiinayaan sababta isku beegtay hubka laga qaaday ciidamada iyo qaraxyada caawa lagu weeraray.

Saraakiisha laamaha amaanka dowlada Somalia ayaan weli ka hadlin weerarka caawa lagu xerada Gen, Gordan, hase ahaatee madaxda sare ee dalka oo dhowaan booqday xerada ayaa sheegay in ciidamada halkaas ku xareysan loo furayo tababar cusub oo ku saabsan shuruucda ciidanka XDS ka hor inta aan loo dirin dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -