Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaha guud ee ciidanka Itoobiya oo si weyn loogu soo dhaweeyay Jigjiga (Sawirro)

Taliyaha guud ee Ciidanka Itoobiya Gen. Berhanu Jula iyo Ku xigeenkiisa Gen. Abebaw Taddese ayaa maanta ka degay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Jigjiga ee dowlad degaanka Soomaalida.

Taliyayaasha ayaa waxaa Garoonka Jigjiga kusoo dhaweeyay Madaxda u sareeysa dowlad degaanka Soomaalida oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Mustafe Cagjar iyo Hoggaanka Nabadgalyada Dayib Axmednuur.

Sida ay sheegtay Warbaahinta Ciidamada Itoobiya Taliyayaashan ayaa imaanshiyahooda Jigjiga lagu sheegay in ay tahay si ay uga qaybgalaan Xuska 47aad ee Aasaaska Ciidamada Taliska bariga Itoobiya oo markii u horreysay Jigjiga lagu qabanayo.

Burhanu Julla Taliyaha Guud ee Ciidanka Itoobiya ayaa sidoo kale xarig jar ku samaynaya Xarunta Tababarada Taliska Ciidanka Bariga Itoobiya oo laga furayo Xerada Garabcase oo ku taalla duleedka magaalada Jigjiga.

 

Related posts

Taliban oo dalab lama filaan ah u dirtay haweenka ka shaqeeya goobaha Caafimaadka

Caydiid Ali

Maamulka Jubbaland oo digniin culus siiyay xoogaga Al-Shabaab ee ku sugan Jubbooyinka

Caydiid Ali

Madaxweyne Trump oo hanjabaad cusub hawada u mariyay Shiinaha

Cabdi Cade
Taboola Ads ---