Allbanaadir.com
NEWS

Ogow shuruudaha laga doonayo qofka raba inuu hub ku dhex wato Kenya

Dalka Kenya ayaa maalmihii u dambeeyay waxaa ka socday doodo ku saabsan in dadka ay hub yeeshaan, kadib markii marar badan ay dhaceen dad caan ah oo laga codsaday in ay hubkooda u soo celiyaan ka dib markii ay si qaldan u isticmaaleen.

Laakin habkee loo maro in qofka loo ogolaado in uu qori haysto?.

Qofku waxa uu u baahan karaa in uu hub u haysto amnigiisa shakhsi ahaaneed, ciyaaraha sida ugaarsiga ama barashada toogashada ama shiishka.

Dalka Kenya qofka ma yeelan karo hub badan runtu waxa ay tahay in aan qofna loo ogolayn in uu haysto wax ka badan hal qori.

Laakiin waxaa kaloo muhiim ah in la ogaado in ciidamada ammaanka ee dalka ay u joogaan ilaalinta qof kasta oo naga mid ah.

Shuruudaha laga doonayo qofka raba in uu qori sharciyyasan uu qaato:

  • Waa inaad ka weyn tahay 21 sano
  • Waa inuu soo qaatay tababar ku saabsan adeegsiga hubka
  • Waa in diiwaankiisu uusan wax dambi ah ku jirin
  • waa in qofku ahaadaa in mid maskax ahaan caafimaad qaba.

Si kastaba ha ahaatee, sida sharcigu qabo, dadka rayidka ah looma oggola inay yeeshaan hubka ay isticmaalaan askarta ammaanku tusaale ahaan AK47 ama G3.

Qofka muwaadinka ee doonaya in uu qori yeesho waa in uu diraa codsi qoraal ah oo ah in uu doonayo in uu qori helo.

Codsigaaga waxaa loo gudbin doonaa qaybta xafiiska saraakiisha u xilsaaran bixinta shatiga hubka, ee Nairobi.

Waa inaad ka heshaa warqadda danbi la’aanta xafiiska Agaasimaha Dembi Baarista (DCI), adoo u gudbinaya codsigaga iyo qadar lacag bixin ah.

“Waa inaad sheegtaa sababta aad ugu baahan tahay inaad hub yeelato, badanaa, waa haddii aad aragto in noloshaadu ay khatar ku jirto oo aad u baahan tahay hubka si aad u hubiso bvad-qabkaaga,” ayuu yiri George Musamali.

Kadib waxaa baari doona oo su’aalo ku weydiin doona saraakiisha Sirdoonka Qaranka. Haddii ay ku filnaan waydo, wali waxa mar kale ku waraysan doona guddiga bixinta shatiga haysashada hubka. Guddigu wuu aqbali karaa ama wuu diidi karaa codsigaaga.

Haddii guddigu oggolaado codsiga, magacaaga waxaa loo diri doonaa taliyaha Guud ee Booliska, kaas oo isna ansixin kara ama diidi kara codsiga.

Haddii taliyaha guud ee booliiksa uu oggolaado codsigaaga, Guddiga Shatiga Hubka ayaa siin doona ruqsad codsadaha muddo hal sano ah mulkiiluhuna waa inuu soo gudbiyaa codsi kale sannad kasta.

Si taas loo gaaro, waxay la macno tahay in codsaduhu uu muujiyay sababo lagu qanci karo oo ay lagama maarmaan u tahay in loo ogolaado inuu haysto qoriga.

Raad-raaca hubka

Waxa aanad ogayn ayaa ah in marka hub lagu siiyo aanu dhamaanayn xiriirka aad la leedahay dawlada. Waxaa jira hab lagu daba galo hubka.

“Waa inaad hubka geysaa saldhigga kuugu dhow bishii hal mar,” ayuu yiri George Musamali.

Ujeedada arintan ayaa ah in taliyaha saldhiga uu cadeeyo in hubkii lagu siiyay uu yahay mid nabad qaba islamarkana aan rassaastii ku jirtay wali la isticmaalin.

“Haddii aad doonayso inaad rasaas u isticmaasho sabab kastaba, waa inaad ku wargelisaa saldhigga booliiska ee kuugu dhow oo aad u sharaxdaa sidaad u isticmaashay rasaasta, sidoo kale hubi inaad u isticmaashay si sharciga waafaqsan,” ayuu intaa ku daray Musamali.

Sababaha codsigaaga lagu diidi karo

Arrimo badan ayaa gacan ka geysan kara in codsiga hubka la diido. Tusaale ahaan:

Haddii la caddeeyo in codsaduhu aanu maskaxdiisu fayoobeyn.

In qofka loo arko uu yahay qof caro iyo ciil uu ka muuqto

In uusan qofka ilaalin karin oo ak taxadari karin hubka.

Goormaa hubka laguu sharciyeeyay lagaala noqon karaa?

Sida uu qabo George Musamali, waa lagaa dhigi karaa hubka haddii lagu caddeeyo inaad hub si khaldan u isticmaashay, tusaale ahaan, “inaad rabshado ka hurinayso goobaha caamka ah,” ama haddii aad isticmaasho hub oo aad ku dhaawacdo qof kale si sharci daro ah.

Midda kale, haddii aad meel aan munaasab ahayn dhigto hubka ilaa xad khatar ku ah nolosha dadka kale, ama loo arko in aad halis galinayso nabadda iyo amniga buslhada.

Haddii ay heerkaas gaarto, qofka waxa loo arkayaa in uu fulin waayay oo uu ku fashilmay xeerarkii loo dejiyey.

Laakiin sidoo kale ilaa xadka hubka lagaa dhigay, waxaad wali heli kartaa fursad aad codsi ugu dirto taliyaha Guud ee booliiska si kiiskaaga dib loogu eego mar kale.

Si kastaba ha ahaatee, sida uu Musamaali sheegay, caqabadda ugu weyn ee xilligan hortaagan arrintan ayaa ah in musuqmaasuqa iyo siyaasadda la dhexgaliyo hannaanka iyo geedi socodka ay tahay inuu raaco qofak doonaya inuu qori yeesho.

Source Bbc

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Turkiya oo badalyaa kuwa Maraykanka ee Jooga Soomaaliya & Musharaxa Imaaraadka oo …

admin

Faahfaahin: Khasaaraha qaraxii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho oo sii kordhay

admin

Dowlad ka tirsan caalamka oo fasaxday isticmaalka Maandooriyaha xashiishka

Caydiid Ali