Maamulka Jubbaland oo digniin culus siiyay xoogaga Al-Shabaab ee ku sugan Jubbooyinka

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheegtay in howlgal weyn oo ka dhan ah Al-Shabaab ay dhawaan ka bilaabi doonaan degaanada Jubbooyinka ee kooxdaas ay maamusho.

Taliyaha Ciidanka Jubbaland Aadan Maxamuud Ibraahim ayaa digniin ku siiyey xubnaha Al-Shabaab inay isku soo dhibaan Ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland ka hor inta uusan bilaaban howlgalka.

Waxaa uu sheegay inay soo dhaweynayaan, isla markaana nolol fiican sii doonaan cidii kasoo baxda Al-Shabaab, isagoo ugu baaqay iney ka faa’iideystaan.

“Haddii uu howlgalkaasi bilowdii cidii lagu qabto tilaabo adag ayaa laga qaadi doonaa ciqaab sharciga waafaqsana wey la kulmi doontaa” ayuu yiri Aadan Maxamuud Ibraahim

Al-Shabaab ayaa muddo dheer oo 10 sano ka badan gacanta ku haysa guud ahaan gobolka Jubbadda dhexe iyo qeybo ka mid ah gobolada Jubbadda Hoose iyo Gedo, mana ahan markii ugu horeysay ee maamulka Jubbalabd uu ku dhawaaqo howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -