Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in la joojiyay canshuurta Gadista ee laga qaadi jiray…

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda XFS Cabdiqafaar Cilmi Xaange, oo khudbad ka jeediyay bandhigga waxqabadka afarta sano ee Isbitaalka Demartino, ayaa sheegay in canshuurta gadista laga joojiyay isbitaalada.

Wasiir Xaange waxa uu sheegay in wasaarad ahaan ay tixgaliyeen talooyinka bahda caafimaadka, isla markaana ay meesha ka saareen cashuurtii gedista, iyagoo u damqanaya xaaladda dadka iyo baahiyaha caafimaad ee dalka ka jira.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in amniga, caafimaadka, iyo waxbarashada ay yihiin dhinacyada ay dowladu mudnaanta siineyso, isagoo ballan qaaday inay ka shaqeyn doonaan sidii loo dabooli lahaa baahiyaha isbitaalada dalka.

Isbitaalada kuyaalla magaalada Muqdisho ayaa horey u diiday canshuurta gadista ee dowladda soo rogtay, waxa ayna taasi keentay in la xir xiro qaar kamid ah maamulayaasha isbitaalada Muqdisho.

 

Related posts

(Sawirro) Muxuu yahay shirka deg deg ah ee Dowlada Somalia ka furtay Muqdisho?

Caydiid Ali

Mark Zuckerberg oo ku hanjabay in uu dalal badan ka xirayo Facebook iyo Instagram

Cabdi Cade

Xukun adag oo lagu riday rag Al Shabaab u qaabilsanaa Sameynta Qaraxyada (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---